Dibadbaxyo ka dhacay dalka Nigeria oo ay dhigeen dadka Shiicada

0

Booliska dalka Nigeria ayaa sheegaya in 22 askari oo Boolis ah looga dhaawacay isku dhacyo shalay ka dhacay magaalada Abuja.

Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay Booliska iyo dad shiica ah oo muddaharaadyo dhigayay.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dad ka badan boqol qof oo ka tirsan dadka Shiicada ah xabsiyada la dhigay.

Dadkan shiicada ah ayaa dalbanayay in xabsiga laga sii daayo hoggaamiyahooda Sheekh Ibraahim Zak-Zaki, waxaana dhankooga ay sheegayaan in dad badan laga dhaawacay.

Sheekh Zak-Zaki ayaa la xiray sanadkii 2015-kii, xilligaasi oo hawlgal milatari ay ku dhinteen in kabadan 300 oo qof oo ka tirsan taageerayaasha Zak-Zaki.

Dhagxaan iyo sunta dadka ka ilmaysiisa ayaa lagu harqiyay waddooyiinka goobta ay isku dhacyada ka dhaceen.

Dad shiico oo dibadbax dhigayay ayaa burburiyay gawaari ay booliiska lahaayeen waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 ka tirsan ciidamada ammaanka.

Xubnaha dadka Shiicada ah ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in booliiska ay isticmaaleen sunta dadka ka ilmaysiiso iyo rasaas ayna dhaawaceen qaar badan ka mid ah dibadbaxayaasha.

Ma cadda ilaa iyo imika dhinaca bilaabay rabshadaha.

Dibadbaxyada ayaa waxa ay sidoo kale curyaamiyeen howlaha ganacsiga ee qaybo ka mid ah magaalada Abuja.

Dadka Muslimiinta Shiicada ayaa waddooyiinka isugu soo baxay iyaga oo dalbanaya in la siidaayo hogaamiyahooda oo lagu magacaabo Sheikh Ibrahim el-Zakzaky.

Waxa ay sheegeen in xarigiisa uu xiran yahay tan iyo 2015 ay tahay mid sharci daro ah.