Somali News

Dibad baxyo looga soo horjeedo dilkii Janaraal Sulaymaani oo ka dhacay Caasimada Dalka Hindiya.

 

Boqolaal ruux ayaa dibadbaxyo looga soo horjeedo dilkii Qaasim Suleymani ayaa ka dhacay magaalada caasimada ah ee New Delhi ee dalka Hindiya.

Dibadbaxayaasha oo u badnaa Haween iyo Caruur ayaa watay sawirka Suleymaani iyo hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatulaahi Cali Khumeyni

Dadkaan ayaa isugu soo dhoobtay degmada Chanakyapuri oo ay ku taalo safaarada Mareykanka ee Delhi.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay Trump waxaa tahay danbiile dagaal oo dabadhilif u ah Israel iyo erayo Kale.

Mid ka mid ah wadaada shiicada oo lagu magacaabo Mulana Qaasim ayaa yiri waxaan rabnaa in fariin aa u dirno Mareykanka taasi oo ah in aysan aqbali doonin xadgudubkasta oo ka dhan ah Iiraan.

Related posts

Daawo: Sawirro dheeraad ah gaarigii isku qarxiyay ex control afgooye iyo faah faahin dheeraad ah

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Shacabka Puntland Oo Ku Celiyay Inaysan Doonayn 4.5

Tifaftiraha K24

AKHRISO: Xaaf oo Qoraal Xasaasi ah ah u diray Beesha Caalamka

admin