Animation

Daawo sawirada : Dib u dhis lagu bilaabay Masjidka Qadiimiga ah ee Kismaayo Iyo codsi loo jeediyey Qurba joogta Deegaanka.

no responses
Saturday November 28, 2015 - 7:17 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Masaajidka Suuq-weyne ee uu imaamka ka yahay Sheekh Maxamuud Yuusuf Ciise ayaa gabi ahaanba la dumiyay si dib u dhis casri ah loogu sameeyo.

Masaajidka la dumiyay ayaa ku jiray xaalad liidata wuxuuna u baahnaa dib u dhis ballaaran.

Cabdiqaadir Jaamac Maxamed oo si dhow ula socda mashruuca dib u dhiska masaajidka ayaa sheegay in la qorsheynayo in masaajid casri ah oo ka kooban labo dabaq laga dhiso goobta hadda masaajidka laga dumiyay.

Cabdiqaadir ayaa sheegay inuu masaajidka dhisnaa in ka badan 70 sano uuna u baahnaa dib u casriyayn.

Guddiga qaabilsan howsha dib u dhiska masaajidka ayaa ka codsaday Muslimiinta, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Kismaayo ee ku sugan gudaha dalka iyo dibadda inay ka qeyb-qaataan dib u dhiska masaajidka.

Masaajidka Suuq-weyne ayaa ka mid ah masaajidyada qaddiimiga ah ee ku yaalla magaalada Kismaayo.

image

image

image

image

image

image

image

Facebook Comments