Somali News

Gudoomiye Dhoobo Waa Xaaraan xil ka qaadistii la igu sameeyey.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaareed) oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in aysan “sharci ahayn” codkii maanta baarlammanka ee xilka looga xayuubiyay.
“Waxaanu leenahay nidaam iyo hannaan, waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. Haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo.
Xildhibanaada Barlamaanka Puntland ayaa saaka u codeeyay “xilka ka qaadista” Guddoomiyaha Barlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed, waxaana xil ka qaadistiisa u codeesay 49 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamustay.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis ayaa kudhawaaqay in sidaas xilka looga qaaday gudoomiyihii Baarlamanka Puntland oo aanan ka soo qeybgalin kulankaas xilka looga “xayuubiyay”.
Soo jeedinta xil ka qaadista oo “xalay la gudbiyay” waxaa ku saxiixnaa 44 xildhibaan, sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Puntland.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu soo eedeeyay dhowr qodob, kuna tuntay qoddob ka mid ah dastuurka Puntland.
Arrimaha ay soo qaateen waxaa ka mid ah sida ay sheegeen in uu yiri guddoomiyaha in “Puntland ay dhisteen oo ay qabsadeen saddex qabiil, arrintaas oo ay shegeen in ay meel ka dhac ku tahay sharciga Puntland”.
Sidoo kale xildhibaannada mooshinka gudbiyay waxay ku doodayeen in “gudoomiyaha uu xarunta Barlamanaka geeyay “Maleeshiyaad hubeysan”.
Balse Cabdixakiin ayaa beeniyay eedahaas oo dhan wuxuuna yiri: “Ma jirto xeer hoosaad aan jebiyay. Golaheyga si wanaagsan ayuu ku socday, tii shalay u dambeysay si fiican bay u qabsoontay. Gudoonkeygaan la tashanayay oo hareeraha iga fadhiyay, golahaan la tashanayay. Wax la wada qaatay bay ahaayeen”.
“Waxaa nakala saaraya; in uu xaq yahay ama in uu xaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo”, ayuu hadalka sii raaciyay.
“Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa”, ayuu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Wuxuu ku andacoonayaa in xildhibaannada “culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay”, inkastoo taasi aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.
Xarunta Barlamaanka ee Puntalnd waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ilaalada xarunta iyo ciidamo ka tirsan booliska Puntland, waxaana dagaalkaas ku dhintay saddex qof oo mid kamid ah uu yahay qof rayid halka shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Alshabaab oo Heshiis kala Dhex dhigay Beelo ku dagaalamay Shabeelada Hoose oo Dowlada Federaalka ay horay uga gaabsatay in ay heshiis Rasmi ah labada Beel kala dhex dhigto

admin

Al-shabaab Xalay weerar ku qaadey Ciidamo Dowladda ka tirsan oo Siinka Dheer Degen.

admin

Shariif Sheekh Axmed oo dagaal ku hanjabay (Daawo)

admin