Wasaaradda Amniga oo Xaqiijisay Tirada Rasmiga ah dadkii ku dhintay Qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho

0

Qaraxa Ismiidaaminta ee galabta ka dhacay agagaarka hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo beegay xili mashquul badan uu ka jiray halka qaraxa lala beegsaday oo aheyd goob dadku ku shaaxaan xiliyada galbtii sidoo kalena ay ku yaalaan goobo ganacsi.

Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu qaraxa fuliyay isagoo isticmaalaayay gaari sidoo kale walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ninka ismiidaamiyay ayaa la sheegay in muddo daqiiqado ah uu ku sugnaay halka uu qaraxa ka fulin doono waxaana uu ismiidaamiyay iyadoo la isku diyaarinaayo salaadda maqrib xiliga muqdisho.

Wasaaradda amiga ayaa xaqiijisay in qaraxa ay ku dhinteen 16 ruux oo shacab ah una badan dadkii ku casriyeynaayay goob shaaxa laga cabo iyo dad wadada maraayay oo mooto bajaaj iyo gaadiid kale saarnaay.

Afhayeenka wasaaradda amniga c/casiis xildhibaan ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 5 ruux taasi oo aad uga fog tirada dhaawacyada ay sheegeen saraakiisha caafimaad ee baabuurta gurmadka deg dega ah.

Qaraxaan ay dadka badani ku dhinteen ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxda dalka ugu sareysa uu ka dhex jiro khilaaf xooggan oo markii dambe keenay mooshin xil ka qaadis ah in xukuumaddu ay ka keento guddoomiyaha golaha shacabka Prof Jawaari waxaana hey’addaha dowladda ku mashquuleen mooshinka iyo khilaafka xukuumadda iyo baarlamaanka.