Animation

Dhgeyso: Ahlusunna oo Go’aan Aan Caadi aheyn ka qaadatay Shirka Madasha Qaran ee Muqdisho ka Socda…

no responses
Thursday September 8, 2016 - 5:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Iyadoo Magaalada Muqdisho uu ka Socdo Shirka Madasha Wejigaasa ugu Dambeeyo ayaa waxaa si kulul uga soo horjeestay Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka gobolada dhexe Cali Baashi Aadan Faarax ayaa sheegay in aysan jirin  cid u mataleysa shirka Madasha Wadatashiga Qaran maamulka gobolada Dhexe.

Cali Baashi ayaa ku eedeeyay Dowlada Federaalka in ay Albaabada ka xireen dadka kunool gobolada Dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Shaaca ka qaaday in Go’aamada ka soo baxa Madasha aan lagu maamuli doonin Gobolada dhexe aysan ka socon doonin waxaasi

Ahlusuna ayaa ka soo horjeeda dowlada dhexe iyo Maamulka Galmudug waxaana ay dhowr jeer hore ku cel celiyeen in ay yihiin maamul goboleed ka dhisan Gobolada Dhexe.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Facebook Comments