Dhaqdhaqaaq ka jira Gobolka Gedo iyo Aqonyahanada Gobolkaas oo ku sii qulqulaya ….

0

Gobolka Gedo oo ah Gobolka Labaad ee ugu weyn Somali islamarkana ah Gobolka ugu weyn Jubbaland ayaa sanaadiihi la soo dhafay waxaa u la daala dhacayay cunaqabateeyn iyo kala qaybin uu ku hayay Maamulka Jubbaland ee ka arimiya Magaalo xeebedka Kismaayo.

Sanadkii la soo dhafay Maamulka Jubbaland waxaa soo gashay maaaliyiin dollar oo ay bixiyeen hay,adaha deeqda bixiya iyo waliba dowlada dhexe ee Somalia balse lacagtaasi gabi ahaan waxaa la galiyay Dagmoyiinka Afmadow iyo dhobleey oo uu ka soo jeedo hogaamiyaha Maamulkaasi halka Gobolka Gedo lo diiday xata arimaha emergenciga ah sida mashaaricda iyo deeqaha kale ee loga wax loga qabanaayo masiiiboyinka dabiiciga ah ee gobolka ku yimaada sida Abaraha iyo fatahadaha,

Hadaba Aqonyahanada,dhalinta iyo qurbajoogta Gobolka gedo oo ayagu u adkaysan wayay go,dominta lagu haayo Gobolka Gedo ayaa dhaqdhaaaq loga tashanayo maamulkaasi ka bilaabay Gobolka Gedo,

Wufuud kala duwan ayaa ku sii qulqulaysa Magaaloyinka Garbahaarey iyo Baardheere oo xudun u ah dhaqdhaaaqa la iskaga dulqaadi rabo heeryada gumaysiga Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa islamarkana loga tashanayo hormarinta Gobolka Gedo haday ahaan lahayd dhanka waxbarashada iyo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhanka kale Magaalada baardheere ee xarunta ganacsiga Gobolka Gedo waxaa ku sugan wafdi ka socda wasaarada gaashandhiga Somalia kuwaaas oo gobolka u jooga xoojinta Ciidamada qalabka sida ee Somalia gaar ahaan guutada 43 aad waxaana la qorshaynaya in dhawaan Ciidamada Gobolka Gedo ku sugan in ay u dhaqaaqan dhanka dagmada Bu,aale ee gobolka jubbada dhexe oo ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab oo xiriir dhow la leeh kooxda Raaskambooni ee haysata Kismaayo.

Maamulka Axmed Madoobe Ma ogola in la xoreeyo Dagmada Bu,aale ee gobolka jubbada dhexe waxana uu heshiis kula yahay Al-shabaab in ay haysato si Ciidamada xogga Somalia aysan ugu soo gudbin Kismaayo.