Dhagxaan waaweyn ah oo Xalay lagu xiray Bartamaha Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho

0

Bartamaha Laamiga Zoobe ayaa xalay waxaa lagu jaray dhagxaan waaweyn ah oo Baabuurta iyo Bajaajyada u diidaya in ay laamiga ku kala wareegaan.

Dhagxaantaan ayaa la dhigay Halka ay ku kala wareegi jireen gawaarida ka timaada isgooyska KM4 iyo kuwa ka yimaada Isgooyska Banaadir, Waxaana tani lagu macneeyay in lagu yareynaayo saxmaddii ka jiri jirtay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu bixiyay Amarkaan lagu xiray bartamaha laamiga zoobe waxaana gaadiidleyda qaarkood ay soo dhaweeyeen in zaxmadda la yereeyo halka qaar kale ay maamulka ka codsadeen in wadada la furo.