Dhageyso:Wasiir Goodax bare oo markale Ardey Soomaaliyeed ku tilmaamay kuwa aan arday aheyn.

0

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale u gafay Ardayda Soomaaliyeed ka dib markii uu sheegay dadkii maanta Wadooyinka ku banaanbaxayay in aysan aheyn Arday.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in uu isku dayay in uu la hadlo qaar ka mid ah Ardaydii Banaanbaxa waday,laakiin ay kala hor yimaadeen dhagaxaan iyo dagaal, islamarkaana ay suurtoobi weysay in ay la hadlaan.