Somali News

Dhageyso:Taliska Ciidamada Xooga Dalka Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Janaraal Cabdirisaaq.

Afhayeenka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo ku hadlayey magaca taliska ayaa ka hadlay geeridii ku timid allaha u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogg, Janeraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo saacadihii la soo dhaafay ku geeriyoodey gudaha dalka Canada.

Ugu horreyn afhayeenka ayaa tacsi Qaran ka diray geerida ku timid marxuumka oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanaa wadankaasi.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah uga tacsiyeeyey ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay, isagoona alle uga baryey inuu ka waraabiyo janadiisa Fardowso.

Geerida ku timid Ex Abaanduulihii hore ee Ciidamada xoogg dalka Soomaaliyeed, Janeraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa waxa sidoo kale ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin sar sare oo  ka tirsan dowladda federaalka, wuxuuna ka mid ahaa marxuumka saraakiisha sida weyn uga qeyb qaatay howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Related posts

Dhageyso:Sayid Aadan Oo Beeniyey Inuu Wadahadal Kula Jiro DF

admin

Dhagayso+Sawiro:- Qalabkii lagu dhisi lahaa Dekedda Magaalada Bossaso oo hada soo gaaray Magaaladda

Tifaftiraha K24

Daawo: Dowlada turkiga oo saldhig weyn ka dhistay deegaanka jazeera ee duleedka muqdisho maxaase loogu tala galay??

Tifaftiraha K24