Animation

Dhageyso: Kismaayo24 oo Sawirro Kasoo qaaday Qaraxii Cawada ka dhacay Afaafka Hore ee Taalada Daljirka Dahsoon Magaalada Muqdisho

no responses
Sunday October 23, 2016 - 7:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Caawa Fiidkii Qarax loo adeegsaday Gaari uu ka dhacay Inta u dhaxeysa Isgooyska Dagmada Boondheere iyo Taalada Daljirka Dahsoon ee Dagmada Boondheere.

Maamulka Dagmada Boondheere ayaa ka hadlay Qaraxa ka dhacay Dagmada iyo qasaaraha ka dhashay.

Guddoomiyaha Dagamda Boondheere Qaasim C/laahi Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa uu sheegay in Gaariga uu ku qarxay meel aan sidaas uga fogeyn Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho Halka qaraxa uu ka dhacay ay daganyihiin Qoysas Barakacayaal ah.

Guddoomiyaha Wuxuu sheegay in Qofkii gaariga waday meydkiisa ay kasoo saareen Gaarigii uu isku qarxay Isagoona xusay in Qaraxa Bartilmaameydkiisa aan weli la ogaan.

Qasaaraha ka dhashay Qaraxa ayuu Gudoomiyaha ku sheegay in 2 Ruux oo shacab ah ay ku dhinteen Waxaana dhaawacmay ilaa 4 Ruux.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shir Jaraa’id Guddoomiyaha Dagmada Boondheere Qaasim C/laahi Xasan

received_342069209493230 received_342069249493226 received_342069369493214 received_342069559493195 received_342069722826512 received_342071316159686 received_342071719492979