DHAGEYSO: Xuseen Shire “Xasuuqa Gedo jawaab adeg ayaa laga bixin doonaa, Kenyana waa ka shalaayi doontaa”

0

Fanaanka Xuseen Shire Jamac, oo ka mid ah kooxda qeylodhaan oo caawa wareysi siiyey idaacada VOS, laanteeda wadanka Holland ayaa waxaa uu ka hadlay duqeymaha ay ciidanka Kenya ka geysteen gobolka Gedo.

Fanaanka ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi deggan uusan dhiigooda dhul cidlo ah dhici doonin, oo ay heli doonaan kuwa dhibka loo geystay ka dhiidhiya oo ka jawaaba. Isagoona intaasi ku daray in Kenya ay falal fulaynimo ah ku laysan shacab aan waxba galabsan.

“Ciidanka Kenya markii ay la kulantay weerarkii kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, waxaa ay noqdeen kuwa weyraxay, kadibna meeshii ay Al-Shabaab iska dhicin lahaayeen bilaabay inay dib ugu noqdaan shacabkii ay dul deganaayeen, kadibna ay ka dhigeen mid ay dilaan iyo mid ay dhaawacaan” ayuu yiri Xuseen Shire.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayuu socdaalkiisa uu ku joogo Kenya ku tilmaamay mid ayaandaro ah, maadaama shacab Soomaaliyeed oo dhiigooda ka qoyan yahay Gedo uusan u tacsiyeen inuu Kenya ugu tago baroordiiq iyo u tacsiyeen, kuwaasi oo haddan ah kuwa shacabkeena gumaaday.

Fanaankan oo looga bartay ka hadalka xadgudubka ay ciidamada shisheeye ka geystaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu cambaareyn dusha uga tuuray madaxda Soomaaliyeed ee aan ilaa hadda ka hadlin xasuuqa ka socda Gedo. Waxaana uu sheegay inay taasi u muujineyso inay yihiin la heystayala sii heysta shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa uu eedeyn iyo dadaal muujin la’aan usoo jeediyey siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo oo ah midka ay dhibka ka socdo. Waxaana uu sheegay haddii dowladii ka aamustay inay iyaga u doodaan oo shacabka dhiban codkooda ku hadlaan.

Ugu danbeyntii waxaa uu si adeg uga horyimid eedeyntii dowlada Kenya usoo jeedisay beesha SADE, taasi oo ay ku sheegtay inay beeshaasi la shaqeyso kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, waxaana uu arrintaasi ku tilmaamay baneysiga dhiiga shacabka Gedo. Isagoona Kenya uga digay inay cadaawad hor leh isku furto, taasi oo dhaxal siisa nabad la’aan ka dhalata Kenya oo dhan. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wareysigan oo uu idaacada VOS u qaaday Agaasimaha VOS Abdiweli Ibrahim Garyare, halkan hoose ka dhageyso: