Somali News

Dhageyso: Xukuumada Somaliya Oo U Yeertay Maamulka Gedo Iyo Saraakiil Ciidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay soo faragelisay is-qabqabsi ka taagan gobolka Gedo.

Is-qabqabsiga ayaa salka ku haya dhanka maamulka kadib markii guddooomiyeyaal iska soo horjeeda loo magacaabay halkaas.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax [Koofi] u magacaabay gudoomiye gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda la tibaaxay in ay gudoomiye uga dhigtay gobolkaas mas’uul kale.

Mr Koofi ayaa la sheegay in uu qaab awood ah uu ku qabsaday xafiisyadii maamulka ee gobolka Gedo, kuwoodii ugu muhiimanaa.

Tani ayaa xoojisay xiisadda, waxaana la sheegayaa in Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya u yeertay saraakiiska gobolka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wasaaraddu u sheegtay xubnahaasi in khilaafkooda lagu dhameyn doono magaaladda Muqdisho.

Related posts

Beelaha Hawiye oo fariin Culus u diray Dowlada Somalia

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Xasan Shiikh Iyo R.W Sharmaarke ay kala Hadleen Wafdi ka socda Dalka Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray Xili Doorashada dalka ka dhaceysa ay ka …. ( Sawirro )

admin

Duqa Muqdisho oo sheegay in baaris lagu sameynayo dhulalka Dowladda ee la bixiyey

admin