Animation

Dhageyso: Xildhibaan Mataan oo ka hadlay arrimaha mooshinka iyo xaaladda Xamar

no responses
Friday September 4, 2015 - 10:47 under Breaking News by admin
mqdefault

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin handadaad loo geystay guddoonka golaha shacabka iyo xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha baarlamaanka Soomaaliya xubina ka ah Mudane-yaasha ka soo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha oo ka hadlay waxyaabaha ay kala socdaan Hanjabaadda uu ka dhawaajiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh ayaa sheegay inaysan dhab ahayn arintaasi oo aysan jirin sabab ay hanjabaad ula kulmaan isaga iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay haddii ay arrintaasi jirtana ay tahay nasiib darro, in maanta xildhibaanno loogu hanjabo shaqadooda.

Waxa uu intaasi raaciyay inaysan jirin cadawtooyo gaar ah oo ka dhaxaysa xildhibaanada iyo wax dhaafsan kala fikrad duwanaashaha ka dhex jira Mudane yaasha Golaha baarlamaanka Soomaaliya isaga oo xusay Xildhibaanka inaysan arintan ku lug lahayn Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Halka hoose ka dhagayso: