Animation

Dhageyso: Xildhibaan mahad salaad oo ka hadlay heshiiskii uu saxiixay ee itoobiya horay ula gashay dowladdii xasan shiikh

no responses
Wednesday September 6, 2017 - 5:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida lagu sheegay warka ka soobaxay dowladda, waxaa golaha la horgeeyay nuqulka heshiisyo ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Ethiopia 7-dii June 2015-kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad maxamad salaad oo wareysi siiyay laanta afka soomaliga ee VOA ayaa sheegay in heshiiskii ay galeen uusan ka dhigneyn in dowladda itoobiya loo gacan galiyo muwaadin soomalia ah wuxuu doono ha ahaadee.

Mahad salaad wuxuu sheegay in dowladda ay qiil u raadineyso qaladkii ay gashay sidaas darteed ay mar marsiiyo ka dhiganeyso heshiiskii dhacay 2015-ka.

Halkaan ka dhageyso codka