Animation

Dhageyso Xildhibaan Magan: “Baledxaawo waxaan u nimid u kuur-galidda Xaalada Xuduuda labada Dal”.

no responses
Tuesday November 17, 2015 - 4:53 under Somali News by admin
mqdefault

Baledxaawo- Wafdi ka kooban labada gole ee Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa Maanta galinkii Danbe waxa ay gaareen Degmada Baledxaawo, ee Gobolka Gedo.

Wafdiga oo uu Hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya  janeraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayna qeyb kayihiin Wasiirka Amniga Xukuumadda Mudane Cabdirisaaq iyo Lix Mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa ku hoyanaya Degmada Baledxaawo.

Imaanshiyahooda Baledxaawo kadib durbaba waxa ay Bilaabeen indha-indheyn iyo u kuurgalidda Xaaladaha Xuduuda ay wadaagaan Labada Degmo ee Mandera iyo Baledxaawo.

Wafdiga ayaa La filayaa Ineey siijoogaan Degmada Baledxaawo inta ay uga dhamaaneyso hawl-laha shaqo ee ay halkan u yimaadeen,

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maxamuud Cali Magan oo Lahadlay Kismaayo24 ayaa sheegay in ujeedka Socdaalkooda uu yahay U kuurgalidda Xaaladaha Xuduuda ay wadaagaan labada Dal, isagoo Dowladda Kenya ku eedeeyey ineey kusoo xadgudubtay dhul soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Adeer Kenya waxay kusoo xadgudubtay Xuduudii uu Gumeystaha u dajiyay labada dale e Kenya iyo Soomaaliya, waxaana halkaan u nimid sidii aan arinkaasi ugu kuur gali laheyn, mana la aqbali karo in Kenya ay kusoo xadgudubto dhulkeena , waxaana ku  baaqayaa ineey ciidamdeeda kala baxdo dalka horay ayey dhulbadeedkeena  shaki u galisay mana aqbali karno in hadane ay calaamadeysato birigeena” ayuu yiri Xildhibaan Magan oo hadal caro ka muuqdo kajeediyey Fagaare kuyaalo baledxaawo oo ay kula hadleen boqolaal dadweyne ah.

Sikastaba ha ahaatee socdaalka wafdigan uu maanta ku tagay Baledxaawo ayaa timid kadib markii Maamulayaasha Baledxaawo ay cabasho ka muujiyeen darbi ay dowladda Kenya ka dhiseyso Xadka ay wadaagaan labada dal iyadoo uu gudoomiyaha baledxaawo yuusuf Kaanti horay uu u sheegay in Kenya ay calaamadeysatay gudaha Soomaaliya ayna kasoo talowday xadkii uu gumeystaha horay u dajiyay.

 

Goordhaw Filo Sawirro ku saabsan Socdaalka Wafdigan Maanta gaaray Degmada Baledxaawo

Nagala soo xiriir:  ireportk24@gmail.com

M, Shaafici Cabdinuur

Baledxaawo, Soomaaliya