Animation

DHAGEYSO: Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Federaalka oo Arin Murugo leh ka sheegay in ay ka jiraan Qeybo ka mid ah Jubbaland.. Tollow Maxay tahay Arintaasi???

no responses
Monday October 3, 2016 - 2:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Tuulooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan.

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ah xildhibaannada ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa VOA u sheegay in tiro dad ah ay gaajo iyo oon ugu dhinteen meel u dhaxeysa degmada Badhaadhe iyo Hoosingow.

Xildhibaanka wuxuu ka codsaday Dowlada Federaalka iyo hey’addaha Samafalka in si dhaqsi ah ay dadkaasi Gargaar Beni aadanimo ula gaaraan.

Mar wax laga weydiiyay Xildhibaanka in Deegaanadasi la gaarsiin karo gargaar oo Amaan uu ka jiro si Hey’addaha ay u tagaan ayaa waxa uu sheegay Hadii Hey’addaha ay doonayan in dadkaasi ay caawiyaan aysan Jirin cid ka hortaagan oo Ammaankooda wax u dhimeysa maadama buu yiri Badankood deegaanadaasi laga xoreeyay Alshabaab.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Xildhibaanka