Dhageyso: Xildhibaan Jeesow oo Ka Hor Yimid Guddigii Uu Magacaabay.

0

Kadib markii shalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu magacaabay Guddi ku meel gaar ah oo soo diyaariya sharciga Doorashooyinka Qaran ayaa waxaa magacaabistaas ka hor yimid Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa waxaa uu sheegay in Guddigaas uu Magacaabay Guddoomiye Mursal uu yahay mid sharci darro ah,isla markaana aan waafaqsaneyn Dastuurka dalka.