DHAGEYSO:- Xildhibaan Fiqi, oo ka digay in hantida Qaranka aan loo adeegsan doorashada Gudoomiyaha

0

Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS ayaa ka digay in hantida Qaranka loo adeegsado olole doorasho.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in aysan wanaagsaneyn in Xukuumada Soomaaliya ay lacago badan oo hantida qaranka ah ku bixiso sidii uu u guuleysan lahaa shaqsiga ay u wadaan inuu  noqdo guddoomiyaha golaha shacabka.

Waxa uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, waxa uuna xildhibaanada kula dardaarmay in aan lagu shaqeysan.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ayuu ugu baaqay in ay yihiin ku simayaal in ay si wanaagsan u hogaamiyaan golaha shacabka.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa usoo jeediyay madaxda sare ee dowladda iney aad ugu taxadaraan in lacago badan ay ku bixiyaan doorashada guddoomiyaha golaha shacabka.

Sida uu qabo sharciga Xildhibaanada iyo labada guddoomiye ku xigeenka ee golaha shacabka ayaa waxa ay fursad u heystaan in ay guddoomiye Cusub ku soo doortaan 15 maalin gudaheed.

Halkaan, ka dhagayso: