Somali News

Dhageyso: Xildhibaan Dalxa oo ka Codsadey Bulsha weynta ka dib weerarkii Kismaayo.

Weerarkan oo dhaliyey khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayuu maamulka Jubaland sheegay inuu soo afjaray dhowr iyo toban saacadood kadib islamarkaana ay nolosha ku qabteen tiro kamid ah dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Professor Maxamed Cumar dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Somalia oo la hadlay warbaahinta   weerarka kadib ayaa cambaareeyey kana tacsiyeeyey wax yeeladii weerarkaas, waxa uuna si kulul uga hadlay weerarada nuucan oo kale ee ka dhaca koofurta Somalia.

Xildhiban dalxa ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Somalia si loo soo afjaro loo baahan yahay in lamuujiyo isku duubni wadaniyad iyo dowlad jaceyl waxa uuna shacabka ugu baaqay inay u istaagan kahor tagga dhibaatada Somalia.

Sidoo kale Waxa uu culamada ugu baaqay inay ka hortagaan marin habaabinta iyo tashkiilinta lagu niyad gedinayo dadka aan aqoonta badan laheen ee u baahan in wax badan la fahansiiyo si ay culimada uga soo baxaan doorkooda.

 

Related posts

IGAD oo Sheegtay in ay ka guuleysteen…

admin

Dhagayso:- Jaaliayadda Waqooyiga Ameerica oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweyne Gaas

Tifaftiraha K24

War Cusub: In Ka Badan 14,000 oo dumar Sacuudi ah ayaa Codsi La yaab leh u Gudbiyay Dowlada Sacuudiga Tollow Maxay Dalbadeen???

Tifaftiraha K24