Animation

Dhageyso: Xasan Shiikh Hada ayuuba War ay Shacabka ku Farxaan sheegay Tan iyo Markii la doortay 4 Sano ka hor

no responses
Tuesday November 22, 2016 - 4:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay bixisay qaar ka mid ah daymihii lagu lahaa dalka.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale ku warramay in qaar ka mid ah deymaha laga cafiyey Soomaaliya. Hase yeeshee madaxweynuhu ma sheegin cadadka lacagta ay Soomaaliya bixisay iyo tan laga cafiyey inta ay le’eg tahay toona.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in  dowladda Soomaaliya ay dayactirtay safaaradihii ay ku la heyd dalalka Caalamka qaarkood.

Xasan Shiikh wuxuu xusay in Dowlada ay ku shaqo jirto in ay dib u dayac tirto Xarunta Safaarada Soomaliya ay ku laheyd Magaalada New York ee Dalka Mareykanka oo Bur bur xoogan uu ka Muuqdo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Xasan Shiikh