Somali News

Dhageyso: Xasan Sheekh oo sheegay in Dowlada Kenya lagu Cadaadinaayo in aysan ka tanaasulin.

Pro Xasan Shiikh oo kamid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Go’aanka Maxkamadda kasoo baxay uu yahay mid cadaadiska kusii kordhinaya Dowladda Kenya.

Waxa uu sheegay in Dowldaha Shisheeye ay Keynya ku cadaadinayaan in aysan ka tanaasulin mawqifkeeda ku adaan kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Maxkamadda Cadaaladda Caalamka (ICJ) ayaa waxay go’aan rasmi ah ka soo saartay waqtiga la dhageysanayo dacwadda murunka la xiriira Badda Somaliya.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda la sii amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka soo socda.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ).

Related posts

War Cusub: Dhageyso Faah faahin laga helaayo Madaafic xalay ku dhacday Guriga Guddoomiyaha Dagmada….

Tifaftiraha K24

Doqoni Dibir kama dharagto Barakac xoogan oo ka bilaabmay Magaalada Baladweyne.

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo laga soo sheegaya Guud ahaan Gobolka Bakool????

Tifaftiraha K24