Animation

DHAGEYSO: Xabad Joojin Rasmi ah oo Galkacyo looga Dhawaaqay iyo Odayaasha Labada Maamul oo Tagi doona Goobihii lagu dagaalamay+Sawirro

no responses
Sunday October 9, 2016 - 2:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kulan maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ku yeesheen Culumada iyo Waxgaradka maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa looga hadlay colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo sida lagu xalin karo.

Kulanka oo ka dhacay Suuqa Gaalkacyo ayaa ugu horeyn lagu cambaareeyey dagaalada kusoo noqnoqday magaalada, iyadoo sidoo kale loogu tacsiyeeyey dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Culumada iyo waxgaradka ayaa si weyn uga hadlay saameynta dagaalada ay ku yeesheen dadka shacabka ah, waxaana ay bogaadiyeen in si dhab ah laisaga kaashado in hal meel looga soo wada jeesto colaada.

Waxgaradka ayaa soo saaray qodobo dhowr  ah oo lagu xalinaayo dagaalka Gaalkacyo.

1:- xabbad Joojin Rasmi ah.

2:-  Ciidanka in la kala qaado.

3:- Wada hadal rasmi ah iyo Nabadeyn

Waxgaradka Puntland iyo Galmudug  ayaa ugu dambeyn isku raacay in la joojiyo dirirta colaadeed, islamarkaana labada dhinac in ay joojiyaan xabadaha goos goos ah  ee  ay isku ridaayaan labada dhinac.

Waxaa intaas dheer in Odayaashu socdaal ku tagi doonaan Meelaha ciidanku joogo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

 

1-4 5-4 6-3 7-3 8-1