Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

DHAGEYSO: Waxbadan ka Ogow Galmudug iyo Amisom oo Arimo Muhiim ah Isku Afgartay Maxaase Ugu Horeeya????

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug Shalay waxaa gaaray Wafdi Saraakiil ah oo ka socda Dowlada Federaalka iyo Amisom.

Wafdigaas waxa ay kulamo la qaateen Madaxda Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka Galmudug

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed xaashi Carabey ayaa wuxu sheegay dhowaan in uu bilaaban doono Howlgal ka dhan ah Shabaab, kaas oo ka bilaabanya Deegaanada Galmudug.

Carabey ayaa sheegay in Taliyaha Guud ee Ciidanka Midowga Afirka ee AMISOM iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka Xoogga oo tagay Cadaado in ay ka kala hadleen Arimo Xasaasi ah oo Amaanka ay ugu Horeyso.
Maxamed xaashi Carabey ayaa sidoo kale Xusay in Ciidanka Galmudug ay sidoo kale diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan Howlgalkan ka dhanka ah Shabaab.

Guud ahaan Dowlada Federaalka iyo Howlgalka Amisom waxa ay Bilaabeen Howlgalo Qorsheysan oo Shabaab looga saarayo Gobolada ay dalka kaga suganyihiin Hada Jubbooyinka waxaa ka Bilowday Howlgal loogu Magac daray Xoreynta Deegaanada jubbaland.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Xaashi Carabey

Related posts

Ciidanka Ammaanka Kenya oo sheegay in ay ka hortageen Weerar Alshabaab ay ku qaadi rabeen Nairobi

Ahmed sudani

War Hada: Seddex Weerar oo Mudo Todobaad Gudahiisa lagu qaaday Maraakiibta Mareykanka ee Ilaalada ka haaya Xeebaha…..

Tifaftiraha K24

DAAWO: Sanbaloolshe:Madaxweynaha Iyo ReysalWasaaraha waa Inay cafis weydiistaan.

admin