Somali News

Dhageyso: Waxbadan ka ogoow sababta uu wasiir hadliye u joogo dalka mareykanka iyo waxa uu halkaas kaga…..

Dowladda soomalia ayaa ka qeyb galeysa shir caalami ah oo looga hadli doono arimaha kooxda argagaxisada ee ISIS oo ka dhici doono magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Dowladda soomaliya waxaa shirkaan uga qeyb galaya kuna matalaya sii haayaha xilka wasiirka arimaha dibadda soomalia mudane cabdi salaam hadliye cumar.

Shirka waxaa ka qeyb galaya wadamo badan oo lagu casuumay iyadoona soomaliya ay kamid tahay dalalka shirkaan lagu casuumay.

Xog-hayaha arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Rex W. Tillerson ayaa shir guddoomin doona waxaana ka qeyb galaya in ka badan 68 wasiir arrimo dibadeed oo caalamka ka socda.

Hadaba sii haayaha wasiirka arimaha dibadda soomalia c/salaam hadliye cumar ayaa shirkaan waxa uu uga waramay laanta afka soomaliga ee VOA isagoona ka warbixiyay shirkaan iyo waxyaabaha sida gaarka ah looga hadli doono.

Related posts

SAWIRRO:- Wasiirka Amniga DFS Oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha gudaha Finland.

Ahmed sudani

Dhageyso: Maxaa kajira in Ciidamo uuleeyahey Boqor Buurmadow ugoosteen dhan Puntland.

admin

XOG RASMI AH: Waqtiga Rasmiga oo Somalia Internetka ay dib u heleyso oo la Shaaciyay

admin