Somali News

Dhageyso: Wasiirka cusub ee gaashaandhigga oo hambalyo ku aadan 12-ka april u diray ciidamada xoogga dalka

Wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhigga soomalia Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa hambalyo u diray ciidamada xooga dalka soomaliyeed oo maanta u dabaal dagaya 57-sano guuradii ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay sanadkii 1960-kii.

Wasiirka ayaa hambalyo ku aadan 12-ka april u diray dhamaan ciidamada Qalabka sida, Saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Alifleyda Dableeyda iyo xaasaskooda.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa hormuud u ahaay munaasabadda ay wasaaradda gaashaandhigga soo qaban qabisay oo hada ka socda xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Ciidamada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Dagaalka Dowladdu ay kula jirto Shabaab oo ay Shacabka dhibta ka saaraan.

Halkaan ka dhageyso codka wasiirka gaashaandhigga

Related posts

Aqalka sare oo Wafdigii Labaad u diray Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed( Sawirro)

admin

Xog: Madaxweyne Xasan iyo Gen Dinii oo Gedo ku wajahan+ qorshahoda

admin

Kenya oo sheegtay in duqeyn ay ku dishay sarkaalkii hogaaminay weerarkii Ceecade

Tifaftiraha K24