Animation

Dhageyso: Wasiir Maareeye oo xaqiijiyey Geerida Masuuliyiintii ku dhimatay Weerarkii Hotel Saxafi

no responses
Sunday November 1, 2015 - 7:01 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka hadlay weerarkii saaka lagu qaaday hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa cambaareeyay weerarkaasi isagoo fal argagixiso ku tilmaamay weerarkaasi lagu qaaday hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Maareeye ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka hoteelkaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay iney ku dhinteen weerarkaasi mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo isugu jiray mudanayaal, saraakiil ciidan,Suxufiyiin Iyo Ganacsato.

Hoos ka dhageyso hadalka wasiir Maareeye

Facebook Comments