Dhageyso: Wareysi, Soomalia Maxay ula Safatay Boqortooyada Sacuudiga?( Wasiir Cawad)

0

Iyadoo uu cirka isku shareeray ismaan dhaafka u dhexeeya dalalka Canada iyo Sacuudiga ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay mawqifka ay ka taagantahay khilaafka labada dal dhex yaal. Waxaana qoraalkaas lagu yidhi

”Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku adkaysanaysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee ah faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha”.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inay run tahay in dowladda Sacuudiga taageereen, isla markaana ay yihiin dal saaxiib iyo walaal ah, wax badanna ka dhaxeeyaan sida uu yiri.

Wasiirka aya difaacay mowqifka dowladda soomalia ay ula safatay boqortooyada sacuudiga waxaana wasiirku sheegay in soomalia marnaba aysan aqbaleyn faragalin lagu sameeyo dalalka ay saaxiibbada yihiin oo xetta canada ay kamid tahay .

Halkaan ka dhageyso wareysiga wasiir cawad