Somali News

Dhageyso: Wareysi calool xumo ah oo ku saabsan gaarigii caasiga ahaay ee miinada ay kula qaraxday deegaanka golweyn ee gobolka sh.hoose

Iyadoo galabta qarax miino ay la kacday gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraayay deegaanka golweyn ee gobolka shabeellada hoose ayaa waxaa arintaas ka hadlay maamulka gobolka shabeellada hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuure ayaa VOA-da u sheegay in gaarigaas oo ay saaraayeen 21 qof uu darawalkii oo kaliya ka badbaaday, intii kalena ay qaar dhinteen qaarna dhaawac yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka wuxuu intaas ku daray in dadkaas ay ahaayeen dad ka soo baxay deegaanka buulo-mareer ayna kusii wajahnaay magaalada marka ee xarunta gobolka shabeellada hoose miinadana ay kula qaraxday deegaanka golweyn oo buulo mareer u dhaw.

Alshabaab ayuu ku eedeeyay in miinada ay dhulka ku aastay iyadoo ugu tala gashay in ay la beegsato kolonyada ciidanka amisom ha yeeshee ay la kacday gaari caasi ah oo dad rayid ah ay saarnaayeen.

Related posts

Top News: Ciidamada Puntland oo baaraya Gaadiidka gala & kuwa ka baxa Boosaaso (Sabab??)

admin

TOP NEWS: Galmudug oo ku dhawaaqday war ay aad ugu farxeen puntland kadib markii ay…..

Tifaftiraha K24

Mareykanka oo Sheegtay in Duqeyn Dhanka Cirka ah uu ku Dilay Hogaamiye Sare oo ka Tirsan Daacish

admin