DHAGEYSO:- Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn diyaaradeed Oo Ka dhacday Ceel-Cadde.

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saakay ay halkaasi ay ka dhacday duqeyn Diyaaradeed oo geystay khasaaro nafba iyo maalma leh.

Dadka deegaanka ayaa waxay u sheegeen in duqeyntaas lala eegtay qeybo kamid ah Xaafadaha deegaanka Ceel-Cade,isla markaana ay sababtay dhaawaca dad shacab ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo uu ku jiro cunug yar iyo laba qof oo waaweyn kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Sidoo kale waxx uu sheegay in goobaha diyaaradaha ay bar tilmaamedsadeen aysan aheyn saldhigyada Al-Shabaab balse la beegsaday Guryo dad Shacab ah ay deganaayeen oo ku yaalla gudaha Xaafadaha Bari ee  deegaanka Ceel-Cadde.

Lama oga cidda fulisay Duqeyntaan iyo halka laga leeyahay diyaaradaha duqeyntaan geystay, balse waxaa jirta in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Kenya oo qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Halkaan, ka dhageyso: