Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Dhageyso: Ururka Alshabaab oo Beeniyay in Diyaaradaha Mareykanka ay Duqeyn ku Dileen 150 Askari oo Shabaab ah

Afhayeenka Dhinaca Howlagalada Ururka Alshabaab Shiikh Cabdi Caziiz abuu Muscab oo la hadlay Wakaalada Wararka Reuters ayaa Beeniyay Sheegashada Dowlada Mareykanka ay sheegatay in ay weerar diyaaradaha mareykanak ay ku dileen 150 Askari oo alshabaab ka tirsan kuwaas oo loosoo xirayay Tababar ay dhameysteen.

Abuu Muscab ayaa xusay in Mareykanka uu Buun buuniyay Qasaaraha ay diyaaradaha geeysteen isagoona intaasi ku daray in Tiro 150 askari aanba weligood meel la isugu keenin Sababo Amni Darteed taasina ay been abuur tahay Mareykankana uu been sheegayo.

Afhayeenka Ururka Alshabaab oo hadalkiisa sii wata ayaa waxata ayaa waxa uu sheegay in Hawada Soomaliya ay Buux dhaafiyeen Diyaaradaha Dagaalka Mareykana oo isugu jira kuwa Droneska iyo  kuwa Duuliyaha leh oo Weerarada ka fuliyaan Goobaha ay Alshabaab ku suganyihiin .

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in weerar ay Fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ay ku dileen 150 Askari oo Alshabaab ah kuwaasi oo Xero Tababar loogu soo xirayay ay Duqeynta ka Fuliyeen.

Dhageyso Warbixinta oo Maqal ah

Related posts

Muxuu Safarka John Kerry ee Muqdisho uu salka ku hayaa??

admin

DEG DEG: Daawo Muuqaal: Madaxweynaha Jubbaland oo Goordhaw Saxaafada kula Halday Magaalada Kismaayo isagoona …..

Tifaftiraha K24

Ruushka: Oo“Mareykanka iyo saaxiibadiis Uhanjabay

gurey