Animation

Dhageyso: Ururka Ahlusuna oo Markii Ugu Horeyso Sheegay in Xubnaha Aqalka Sare lagu soo Xulaayo Magaalada……

no responses
Tuesday October 4, 2016 - 11:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca aya markii Ugu horeysay waxa ay ka Hadleen Doorashada Xubnaha Aqalka Sare iyo halka lagu soo Xulaayo Xubnaha ka imaanaya Gobolada Dhexe.

Ahlusuna waxa ay ka dhawaajisay in Xildhibaanada Labada Aqal ee kala ah Aqalka Sare iyo Baarlamaanka laga Xulayo Magaalada Dhuusamareeb oo Ahlusunna ay Maamulaan.

Afhayeenka Maamulkaas Muxuyadiin Jimcaale Jakuula oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Waxgaradka Gobolka Galgaduud iyo Ahlusunna ay isla meel dhigeen  in Labada Aqal lagu soo Xulo Dhuusamareeb.

Go’aan Ururka Ahlsuuna ayaa waxa uu u muuqda Mid looga hor imaanayo in Xubnaha Labada Aqal lagu soo Xulo Magaalada Cadaado iyadoona Dowladu ay Aqoonsantahay in Cadaado lagu soo Xulo Xubnaha Labada Aqal.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka