Animation

Dhageyso: Trump oo Balan qaadkiisa ka dhabeeyay Kadib Markii 90 Ruux oo Soomali ah laga soo Tarxiilay Dalka Mareykanka

no responses
Wednesday January 25, 2017 - 5:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

90 qof oo Soomaali ah iyo laba Kenyan ah ayaa laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka sababo aan kala caddeyn.

Dadkan oo laga soo dejiyay garoonka dayaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli uu Madaxweyne Donald Trump la filayo inuu saxiixo amar shuruuc adag ku soo rogaya oo wax looga qabanayo dadka soogalootiga ah ee sida sharci darrada ah ugu sugan Mareykanka, oo ay ku jirto dal-ku-galka laga joojiyo dadka u dhashay Suuriya iyo lix waddan oo kale oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika.

Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa BBC u sheegay in saaka arroortii la keenay dadkaasi Soomaalida iyo Kenyanka isugu jira.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Kenya iyo Mareykanka ay iska kaashanayeen fududeynta hawlgalkan lagu soo masaafuriyay dadkaasi.

Soomaalida la soo tarxiilay ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Mr Kiraithe.

Safiirka Soomaaliya ee Washington DC Axmed Cawad ayaa VOA u sheegay in dadka la celiyey ay isugu jiraan dad dambiyo ka galay Mareykanka iyo dad iska soo dhiibay dalkan balse loo diiday magan galyo.

Safiirka ayaa sheegay in go’aanka dadkan lagu masaafuriyey ay goysay maxkamad.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Safiirka Soomaliya ee Mareykanka