Somali News Top News

Dhageyso : Top News” Duqa Muqdisho oo Baarlamanka ka Codsaday in Gobolka Banadir uu Noqdo Gobol Madax Banaan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada  ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday  inuu cadeeyo kaalinta ay Muqdisho ku yeelaneyso Nidaamka Federaalka iyo Maqaamkeeda.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay in Golaha Shacabka ay Cadeeyaan Maqaamka ay yeelaneyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana uu Baarlamaanka ugu baaqay in ay Deg Deg u soo saaraan Sharuuc Cadeyneysa Maqaamka ay Federaalka ku leedahay Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18 Gobol ee Soomaaliya,loona baahan yahay in ay Xaquuq helaan dadka ku nool Muqdisho oo Dhowr Malyan gaaraya.

Horay waxaa u jirtay in Dadka ku Muqdisho ay dhigeen Banaanbax ay ku dalbanayaan in la siiyo Xaquuqdii ay Muqdisho laheyd,kuwaas oo sheegay in aysan Macquul aheyn in Xaquuq la’aan ay noqdaan 3 Milyan oo Muqdisho ku Nool.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Related posts

War Cusub: Dad ka badan Hal milyan ayaa Diiday in Wadankooda uu Booqasho ku tago Donald Trump Ma taqaan wadankaas???

Tifaftiraha K24

Xog Culus: Maxaa ka jira in Saraakiishii Garab taagneyd Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ay Gabi ahaanba isku soo dhiibeen Maamulka….

Tifaftiraha K24

Top News: Puntland Oo Dowladda Dhaxe U Tilmaantey Habka Lagu Joojin Karayo Qaraxyadda Soo Noqnodey, Iyadoona……………………

Tifaftiraha K24