Animation

Dhageyso: Tirada maxaabiista cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooneysa xabsiga weyn ee magaalada….

no responses
Saturday June 3, 2017 - 9:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Tirada maxaabiista ku dhimatay xabsiga weyn ee magaalada burco ee gobolka togdheer ayaa sii korodhay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta xabsiga burco.

Taliska Ciidanka Asluubta Maamulka Somaliland ayaa sheegay in lix kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee magaalada burco ay u dhinteen cudurka shuban biyoodka oo xabsiga ka dilaacay.

Maxaabiis kaloo badan oo xabsiga burco ku xiran ayaa la ildaran cudurka shuban biyoodka waxaana mas’uuliyiinta xabiga ay dalbadeen in dadkaan si deg deg ah xaaladdooda caafimaad wax looga qabto.

Magaalada burco ee gobolka togdheer waxaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah waxaana la yareey dhaq dhaqaaqadadka soo galaya magaalada iyo kuwa ka baxaya si loo yareeyo faafitaanka cudurka .