Dhageyso:-Taliyaha Ciidanka Maamulka Somaliland “Ciidankii Ku Biiray Puntland waa

0

Taliska Ciidamada maamulka Somaliland ayaa Maanta ayaa oo Axad ah waxaa uu la hadlay Ciidamo ka tirsanaa maamulkooda oo Jimcihii la soo dhaafay ku biiray Puntland.

Nuux Ismaaciil Taani oo ah Taliyaha Ciidmada Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Ciidankii Somaliland ee ku sugnaa Degmada Badhan ee ku biiray Puntland ay ku faraxsan yihiin tigitaankooda.

Sidoo kale Taliye Nuux Ismaaciil ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidankaas ku biiray Puntland aysan jirin wax ay u qaban jireen Somaliland,isla markaana ay ka qaadan jireen oo kaliya Mushaar,sidoo kalena ay tagidooda Faa’iidu u yahay.