Animation

Dhageyso: Taliyaha Ciidamada Jubbaland oo Digniin Culus u Diray Hey’addaha Ammaanka ee Jubbaland… ( Tollow Maxay tahay Digniinta?? )

no responses
Wednesday September 7, 2016 - 5:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha Ciidamada Jubbaland Aadan Maxamuud Aadan ayaa digniin u diray Hay’adaha Amaanka ee Maamulka Jubbaland.

Taliyaha ayaa sheegay in Hay’adaha Amniga laga doonayo in ay sugaan Amaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka ee Deegaanada Jubbaland ay maamusho.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada amaanka looga baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan shacabka jubbaland si loogu hortago cid walbo oo dooneyso in ay carqaladeyso goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Deegaanada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacaan Doorashooyinka la filayo in ay sanadkan ka qabsoomaan gudaha Soomaaliya.