Animation

Dhageyso: Soomaliland oo Walaac xoogan ka Muujisay Dowlada Turkiga Kadib Markii Safiirka Turkiga ee Soomaliya uu sheegay in….

one response
Tuesday November 15, 2016 - 8:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso doorka dawladda Turkigu ay ku leedahay wada-hadallada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar uu sheegay in muhiimadda dowladda Turkiga ay tahay wada-jirka iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, ahna ku-simaha wasiirka Axmed Aadan Ismaaciil oo Wareysi siiyay Laanta Afka Soomaliga ee VOA , ayaa hadalka safiirka ku tilmaamay mid khalkhal lagu gelinayo Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray in ay qoraal ay arrintaasi xaqiijin kaga doonayaan ay u direen dawladda Turkiga.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Safiirka Turkiga ee Soomaliya