Animation

Dhageyso: Shirkii Jaraa’id ee Magaalada Garoowe ay Saxaafada ugu qabteen Raisul Wasaare CC iyo Cabdi Wali Gaas

no responses
Saturday October 15, 2016 - 1:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliy Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe ayaa waxa uu Kulan La qaatay Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas.

Kulanka labada Masuul waxa uu ka dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe Maadama uu Maanta Garoowe ka Ambabixi Rabay Cabdi Wali Gaas.

Kulanka labada masuul kadib ayaa waxaa ay la hadleen warbaahinta waxaana raisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya cumar C/rishiid uu sheegey in muhiimada koowaad ee safarkiisa ay tahay siduu u dajin lahaa colaada Gaalkacyo iyo in Labada Maamul ay ku wada Noolaadan Nabad iyo Xasilooni Siyaasadeed.

Dhinaca Kale Cabdi Wali Gaas ayaa soo dhaweeyay Waan waanta Nabadeed oo uu Wado Raisul wasaaraha isoogan sheegay in Puntland ay Markasto dooneyso in dariskeeda ay Nabad kula Noolaato.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id oo Labada masuul ay qabteen