Dhageyso: Shir Xasaasi Ah Oo Maanta Ka Furmaaya Magaalada Hobyo.

0

Wajiga labaad shirweyne u dhexeeya beelaha wada daga deegaanada maamulka Galmudug ayaa maanta ka fumaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Afhayeenka shirkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Salaad Yarow ayaa Shabelle uga warbixiyey waxyaabaha laga wada hadli doono iyo muhiimada kulankaasi.