Animation

Dhageyso: Shir Noociisa aan Horay Dalka loogu qaban oo Muqdisho ka dhici doona iyo Xasan Shiikh oo War ka soo saaray

one response
Friday November 18, 2016 - 11:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxwaynaha soomaaliya xasan shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho uu ka furi doono shir muhiim ah oo looga hadlayo dowlada soo socota istiraa tiijiyada ay ku howlgali laheed,

Madaxweynaha oo bartiisa Facebook Muuqaal kooban soo dhigay ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shir-weyn oo la yiraahdo tallo-Qaran oo lagu qaabeeynayo tallooyinka Soomaaliyeed ee dalka iyo debadba laga soo ururiyey ee noqonaya howalaha dowladda cusub ee 2016-2020 laga sugayo ee ay dadka Soomaaliyeed ku tallo bixiyeen.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay soo gudbiyaan fikradaha dalka lagu hormarin karo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweynaha