Animation

Daawo: Shiinaha oo puntland usoo gacan galiyay mid kamid ah hogaamiyeyaasha burcad badeedda oo lagu magacaabo…..

no responses
Saturday May 6, 2017 - 1:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada Boosaaso waxaa maanta kusoo xidhay saxiimado sida ciidamada dalka Shiinaha waxayna ku wareejiyen mas’uuuliyiinta Puntland saddex nin oo budhcad badeed ah oo lagu qabtay hawlgal dhicisoobay oo 8-deedii bishii hore ay burcad badeedu doonayeen inay ku afdbuubteen Markab sita calanka Lubnaan.

Saddexdaasi maxaabiista ah ayaa la sheegay inuu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdikariim Saalax Aw Koombe oo la sheegay inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha burcad badeedda.

Ciidamada Shiinaha ayaa sidoo kale maamulka Puntland ku wareejiyey hubka ay siteen budhcad badeeddaasi ee ay u adeegsadeen weerarkaas.

Agaasimaha wasaaradda Dekedaha Puntland C/majiid samatar Jaafaan oo toddobaadkii hore warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in burcadeeda markabka weerartay ay ahaayeen 5 nin, balse  saddex nin ay gacanta ku dhigeen ciidamada shiinaha, labadii kalena ay  haatan ku dhuumanayaan  qaar ka mid degmooyinka gobolka Gardafuu ee  Puntland.

Facebook Comments