Somali News

Dhageyso Sheekh Shaakir doorasho laguma qaban karo Dhuusamareeb

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta loo doortay madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna, ayaa ka hadlay qorshaha uga degan xaaladda cakiran ee Galmudug.

Sheekh Shaakir oo wareysi sii laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dowladda federaalka ay uga mahad celinayaan dadaalkii ay horay ugu bixisay isu-keenidda Galmudug, hadda ay ka doonayaan inay tanaasusho si iyagu ay uga howlgalaan isu keenidda Galmudug.

Doorashadii ay maanta ku qabteen magaalada Dhuusamareeb ee isagu kusoo baxay ayuu sheegay inay ka dhigan tahay raadinta midnimada Galmudug, haatanna uu soo baxay ififaalihii Galmudug iskugu imaan laheyd, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii madaxweyne Xaaf ay uga wada shaqeyn lahaayeen aayaha Galmudug, haddii ay dowladda federaalku faraha kala baxdo.

Related posts

DAAWO Gudiga doorashada Galmudug oo maanta Ahlu Sunna ka gudoomay 20 xildhibaan ay soo xuleen

admin

Daawo: Saraakiil ka tirsan hey’adda socdaalka oo tababar kusoo qaadan doona garoomada London iyo Manchester

Tifaftiraha K24

Daawo Sawirro: Dagmada Warshiikh ee G.Sh.dhexe oo Markii ugu Horeysay Yeelatay Adeeg Muhiim ah

Tifaftiraha K24