Somali News Top News

Dhageyso: Shariif Xasan” Haweenka hala Shaqeeyan Ciidamada Amaanka si loo sugo Nabad Galyada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikha aadan oo Khudbad ka jeedinayay Munaasabad lagu xusaayay Maalinta Haweenka Aduunka ee 8 Maarso Taasi oo ka dhacday Magalada Baydhabo ayaa waxa uu ugu baaqay haweenka ku dhaqanka deeganada koonfur galbeed gaar ahan magalada Baydhabo ay Amniga kala shaqeeyaan Ciidamada Amaanka wuxuuna sheegay in loo baahanahay ka shaqeynta Nabad galyada iyo weliba in shacabka ay xogaha la wadaagan Laamaha Amaanka.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in Alshabaab Falalka ay geeysanayan in ay tahay mid ka baxsan Beni aadanimada isagoona Shacabka ugu baaqay in Meel looga soo wada jeesto kooxaha Nabada diidan oo uu ila jooday Ururka Alshabaab oo Dagaal kula jira Dowlada Soomaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Koonfur galbeed waxa uu mahad Balaaran u jeediyay Ciidamada Amisom gaar ahaan Ciidamada ka socda dalka Ethopia isagoona sheegay in ay kor u qaadi doonan sugida amaanka Mar hadii ay Taakuleyn ka helayan Ciidamada Amisom Si gaar ah waxa uu Carabka ugu Dhuftay Ciidamada Ethopia ee Qeybta ka ah Howlgalka Nabad ilaalinta Amisom.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Madaxweyne Shariif Xasan shiilk Aadan

Related posts

TOP: Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Sababta Al-shabaab ugu sahlanaanto Dilalka Muqdisho

admin

Madaxda maamul Goboleedyada oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho Maxayse u Imaanayan?

admin

Daawo Sawirro: Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo daahfuray Ololaha Taakulo ee bisha Ramadaan

admin