Animation

Dhageyso: Shariif Sakiin oo Sifo aan caadi aheyn ku tilmaamay Farmaajo isagoona bulshada ugu baaqay in ay…..

no responses
Friday February 10, 2017 - 10:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed shariif xasan shiikh aadan ayaa ka hadlay doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday muqdisho iyo guushii uu gaaray madaxweyne farmaajo.

Shariif sakiin waxaa uu sheegay in uu aad u taageersanyahay isbedelka dhacay uuna soo dhaweynaayo in farmaajo uu noqdo madaxweynaha jamhuuriyada soomaliya.

” Waxaan rajeynaya in isbedelka hada dhacay in ilaahey uu ka dhigo is bedel dadka aayaheeda wax ka badala ilaaheyna uu umamadda soomaliyeed uga bixiyo abaaraha iyo dhibka heysta mudada dhowrka sano” ayuu yiri Shariif xasan.

Beesha caalamka ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyan madaxweynaha cusub ee soomaliya ayna si dhab ah ugu muujiyay garab istaag buuxa si dalka uu hormar u gaadho.

Sidoo kale shacabka soomaliyeed ayuu ka dalbaday in ay garab istaagaan madaxweynahooda cusub oo ah hogaamiye ay in badan ku haminayeen in dalka uu madaxweyne ka noqdo taasina maanta ay rumoowday.

Shariif sakiin wuxuu kaloo ka hadlay sifada uu ka yaqaan farmaajo iyo waxa uu ka aaminsanyahay in uu yahay madaxweynaha cusub.

” Runtii waan soo wada shaqeynay waa nin geesinimadeeda iyo aragtideeda leh in uu hogaamiyo dalkan waxaana rajeynaya in ilaahey uu la garab galo” ayuu ku daray shariifka.

Halkaan ka dhageyso codka shariif xasan

Facebook Comments