Dhageyso: Safiirka Mareykanka u Fadhiya Soomaliya oo si Aadag uga hadlay Musuq maasuqii ay ku kaceen Madaxda Galmudug Mudadii ay socotay Doorashada

0

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka warramey hanaanka doorashada ee Soomaaliya, Caqabadaha jira iyo aragtida dowlada Mareykanka ee Doorashooyinka Soomaaliya.

Safiirka ayaa wax laga weydiiyay musuqa laga soo sheegayo doorashooyinkii baarlamanka Soomaaliya iyo warqad arrintaas ku saabsan oo 8-kii November u diray madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo hadii ay jirtey natiijo ka soo baxdey warqadaas.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday liiskii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ahaa 11-kii kursi ee ay laaleen, kaasoo uu tilmaamay in Mareykanka iyo dalalka kale aysan raalli ka aheyn, isagoo xusay in laga saaray liiska kuraastii ugu qatarsanaa ee sida qaldan ku soo baxay.

Waxaa uu ka gaabsaday inuu magacaabo kuraasta, balse waxaa uu tilmaamay in horay Guddiga xalinta khilaafaadka ay u soo gudbiyeen liis, balse haatan lagu soo koobay 11 kursi, kuwaasoo uu xusay in aanay aheyn kuwii qatarta ahaa sida uu yiri.

Safiirka ayaa si cad u sheegay in Marnaba laga hari doonin kuraasta Muranka uu weli ka taaganyahay oo la sheegay in lagu soo doortay Musuq maasuq.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Safiirka oo Xasaasi ah