Animation

Dhageyso: Ra’isul wasaare kheyre oo hal arin ka codsaday ganacsatada soomaliyeed xili uu la….

no responses
Sunday May 7, 2017 - 10:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ra’isul Wasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa kulan aan caadi aheyn la yeeshay ganacasatada magaaladda Muqdisho.

Kulanan oo uu ahaa mid uu dalbaday Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu ganacsatada uga dalbaday iney taageeraan dowladiisa, si guul looga gaaro arimo ay kamid tahay amaanka.

Xasan Cali Kheyre ayaa  qirtay in dowladiisa aysan amaanka magaaladda Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya waxba ka qaban karin ilaa ay ka helayaan garabka ganacsatada Soomaaliyeed.

Xasan Cali KHEYRE ayaa tilmaamay in doorka ganacsatada ee amaanka Muqdisho uu yahay mid aad uweyn, isla markaana ay ka dalbanayaan taageero.

”Hadii la rabo in amniga dalka wax laga qabto, lagama qaban karo ganacsatada la’aanteed”ayuu yiri Ra’isul wasaare Kheyre.

Marar badan ayay dowladda Soomaaliya taageero ka dalbatay ganacasatada Muqdisho, waxaana ay ugu deeqeen hanti aan la qayasi karin, walow lacagtaas ay dowladu ku fulisay la wareegida xafiisyadii ay baneeyeen madaxdii hore.