Somali News

Dhageyso: Rag kufsi ka geystay degmada Warsheekh oo 

Xoghayaha maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Mudane Cabdulaahi Raage Colow ayaa ka warbixiyey howlgal lagu soo qabtay rag la sheegay inay xalay kufsi ka geysteen degmadaasi.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in ragga la soo qabtay ay ka mid ahaayeen kooxo maleeshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay dhibaatooyin ka waday magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qabashada raggan ay gacan ka geysteen dadka shacabka ah, islamarkaana uu mahadcelinayo.

Ugu dambeyn xoghayaha ayaa carabka ku dhuftay in ay sharciga la tiigsan doonaan ragga la soo qabtay, islamarkaana ay marin doonaan ciqaab adag.

Related posts

Dhagayso:- Yuusuf Daba-geed oo Ka Hadlay Magacaabistiisa iyo Waxa uu Qabanayo

Tifaftiraha K24

SAWIRO: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo.

admin

Maqaal:Xalka Kismaayo Xajadisu Ma Dhowo.

admin