Animation

Dhageyso: Farmaajo oo qarax xoogan looga sii hormariyay kismaayo xili wafdi hordhac ah magaalada ay gaareen

no responses
Monday June 5, 2017 - 2:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Labo askari ayaa ku geeriyootay toddobo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay gudaha saldhiga booliska ee magaalada Kismaayo.

Qarax ayaa ka dhashay miino dhulka lagu aasay, waxaana lala eegtay ciidamada booliska Jubaland.

Qaraxa ayaa yimid ayada oo ciidamada ay isku diyaarinayaan soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo berri booqan doona magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaay mid meelaha fog laga hago uuna qasaaro lixaad leh gaadhsiiyay dad shacab u badan.

Taliyaha saldhigga magaalada kismaayo maxamad naasir guulled oo qaraxa kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay banaanka kore ee saldhigga islamarkaana lala beegsaday dad nadaafadda ka shaqeynaayay.

Taliyaha wuxuu intaa ku daray in qasaaraha dhimashada uu yahay hal askari halka dhaawacana uu yahay 5 askari sida uu taliyaha warbaahinta u sheegay.

Wuxuu beeniyay in qaraxa uu yahay waxa dhacay isagoona sheegay in qaraxa uu ka dhashay haamaha oksojiinka oo lagu gubaayay qashinka uu ka dhashay qaraxa wuxuuna sheegay in shabaab aysan qarax geysan.

Qaraxa ayaa dhacay waxyar un ka hor markii magaalada kismaayo ay maanta gaareen wafdi hordhac u ah wafdiga madaxweyne farmaajo oo maalinta beri ah socdaal ku tagi doona magaalada kismaayo.

Ammaanka magaalada kismaayo ayaa aad loo adkeeyay qaraxa kadib waxaana magaalada lagu arkaya ciidamada dowladda iyo kuwa amisom oo baaraya dadka iyo gaadiidka.