Animation

Dhageyso: Puntland oo sheegtay in alshabaab ay ka aarsata kana dishay 25 askari kadib weerar ay ku qaadeen….

no responses
Sunday June 11, 2017 - 10:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka puntland ayaa ka hadlay howlgal ciidamada puntland ay ka sameeyeen buuraleyda galgala.

Saraakiisha ciidamada puntland ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada puntland ay howlgal ku dileen 25 dagaalame oo shabaab ka tirsan.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland Gen Siciid dheere ayaa sheegay in Buuraleyda Galgala ay ku Qaarajiyeen 25 Dagaalame oo Shabaab ah islamarkaana ay ku jiraan Madax sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Weerarada iyo Qaraxyadda ka geysta Puntland qaarkood ay ka yimaadaan Koonfurta Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa yimid ka gadaal markii madaxweynaha puntland uu amar ku bixiyay in dagaal adag lala galo xoogagga alshabaab ee ku sugan deegaanada puntland.

Halkaan ka dhageyso codka